Magaalada Laascaanood oo nabad ku waabariisatay iyo baaqyo kala duwan oo lagasoo saaray colaadda ka jirta

Sabti, December, 31, 2022 (AX) – Xaaladda magaalada Laascaanod ee gobolka Sool ayaa saakay nabad ku waabariisatay, kaddib dhowr maalmood oo ay ka socdeen mudaharaadyo uu dhiig badan ku daatay.Waxaa saakay lagu arkayaa waddooyinka magaalada Laascaanood ciidamo iyo gaadiidka dagaal oo gaaf wareegaya, kuwaas oo u muuqda inay ka hor tagayaan mudaharaad kale oo magaalada ka dhaca.

Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in Gobaladda Waqooyi ay adkaysay amamanka magaalada Laascaanood, iyagoo magaalada gudaha usoo galisay ciidamo militari ah.

- Advertisement -

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii dhaqdhaqaaqyo hubaysan oo ka dhan ah Gobaladda Waqooyi ay ka billowdeen Puntland iyo deegaano kale oo katirsan SSC.

24-kii saac ee ugu dambeysay siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood. Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg loo joojiyo xiisadaha ka jira halkaas, xaaladdana lagusoo celiyo sidii horey.

Dowladdu waxay sheegay inay ka xun tahay shaqaaqooyinka ka socda Laascaanood. Waxayna ku baaqday in laga dhowrsado in dhiig dambe uu daato.

Hogaamiyaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ugu baaqay Gobaladda Waqooyi in xal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Isimada Puntland iyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo katirsan Isimada SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn), ayaa Gobaladda Waqooyi ugu baaqay inay faraha kala baxaan magaalada Laascaanood, dadkana u daayaan inay iyagu ismaamulaan.

Labada Isim oo kamid ah Isimada ugu saamaynta badan, ayaa ku eedeeyay Gobaladda Waqooyi inay masuul ka tahay waxa ka socda magaalada Laascaanood, iyagoo ku baaqay in shacabka loo turo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy