Khamiis, Nov 17, 2022-Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in la joojiyay shaqaale xoogsato ah in dalka laga dhoofin karo

Khamiis, November, 17, 2022 (AX) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la joojiyey Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama dalka laga dhoofin karo.Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale sheegtay, dhammaaan ruqsadihii iyo shatiyadii horey wasaaradda Shaqadu u bixisey ee la siiyay shirkadaha shaqosiinta dibedda, in la baabi’iyey oo aysan jirin wax lagu dhoofin karo haatan.

Go’aanka lagu joojiyay shaqaaleysiinta xoogsatada ayaa lagu sheegay, kadib markii wasaaraddu aragtay inay hay’ado si joogto ah oo sharci darro ah dalka uga dhoofiyaan shaqaale Soomaaliyeed, iyadoo aan war laga haynin, oo aan wax heshiis ah lala gelin.

- Advertisement -

Waxay kaloo wasaaraddu sheegtay inay jiraan tacaddiyo iyo xadgudubyo lagula kaco shaqaalaha loo dhoofiyo dalka dibbadiisa, arrintaas oo ay sheegtay inay kusoo wargaliyeen qoysaskooda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy