Jabuuti oo iska fogeysay inay ku lug leedahay colaadaha ka jira magaalada Laascaanood
Isniin, February, 13, 2023 (AX) – Dowladda Jabuuti ayaa waxay iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay arrimaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Gobaladda Waqooyi iyo dadka deegaanka ee SSC.Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Yuusuf Cali oo qoraal kusoo qoray bartiisa twitterka, ayaa sheegay in aysan Gobaladda Waqooyi ka codsan Jabuuti dhexdhexaadinta xaaladda Laascaanood.
Maxamuud Yuusuf Cali wuxuu sheegay in Jabuuti ay ku sii adkaysan doonto siyaasaddeeda derisnimo iyo doorkeeda ku aadan dhexdhexaadnimada.
- Advertisement -
Dhowaan ayay ahayd markii mucaaradka dalka Jabuuti ay ku eedeeyeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu Gobaladda Waqooyi u ballanqaaday taageero militari oo ka caawinaysa dagaalka ka socda Laascaanood.
Mucaaradku waxay sheegeen in madaxweyne Muuse Biixi uu Jabuuti u diray saraakiil ciidan oo dalkaas gaarsiiya codsiga Gobaladda Waqooyi ee ku aadan inay Jabuuti caawiso xaaladda kasoo cusboonaatay Sool.