Isniin, Nov 21, 2022-Xukumadda Soomaaliya oo ka shaqeynaysa qorshe sannadka 2023 looga qaadayo cunaqabataynta hubka

Isniin, November, 21, 2022 (AX) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay simon Coveney, wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalka Ireland.Kulanka ayaa ku saabsanaa iskaashiga ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya 2023 iyo taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee doorashada June 2024.

Dalka Ireland oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay madax u tahay guddiga cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

- Advertisement -

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii golaha ammaanka uu muddo hal sano ah ku kordhiyay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in cuna-qabataynta hubka ay caqabad ku tahay dadaallada dib loogu dhisayo ciidamada qaranka iyo kuwa amniga si looga hortago khataraha argagixisada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy