Isniin, Nov 20, 2022-Xisbiga UCID oo ka jawaabay sharciyadii uu Kulmiye sheegay in uu kala noqday mucaaradka

Axad, November, 20, 2022 (AX) – Xisbiga mucaaradka Somaland ee UCID, ayaa waxan suuragal ahayn ku tilmaamay sharciyadii shalay golaha fulinta ee xisbiga Kulmiye sheegeen in ay kala noqdeen xisbiyada mucaaradka.Afhayeenka xisbiga Maxamed Axmed Billaal, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aanu jirin xisbi awood u leh in uu xisbi kale sharciyada kala noqdo.

“Shalay waxa guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye kasoo baxay hadal odhanaya xuquuq malaha labada xisbi ee mucaaradka ahi, taasi oo ay tahay macnaheedu in xisbiga Kulmiye uu bilaabay fowdo” ayuu yiri Billaal.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in hadii cidi cid sharciyad kala noqon karto ay labada xisbi mucaarad aqlabiyadii yihiin “Hadii cidi cid eegayso labada xisbi ayaa majooratigii ah, oo haysta aqlabiyadii waddanka, xisbina xisbi kama qaadi karo xuquuq sharci oo uu leeyahay”.

Shir uu guddoomiyay Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, oo guddida fulinta xisbiga Kulmiye yeesheen, ayaa lagu sheegay in Kulmiye sharciyadii kala noqday mucaaradka.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy