Isniin, Nov 20, 2022-Shirkii Jimciyadda Islaamica Waqooyiga Ameerika oo shalay Phoenix AZ ku soo gabagaboobay.

Axad, November, 20, 2022 (AX) – Shalay Sabti ahayd  waxaa  magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona Masjidka Al Rahma  lagu soo gabgabeeyey shirkii Jimciyadda Islaamiga ee Waqooyiga America, Islamic Association of North Ameica (IANA). Shirkan ayaa si rasmi ah uga socday magaaladda mudo labo cisho ah, Shirkan oo ah shir sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qaybgala Masaajidada ay ku midaysan yahiin jimciyadaan oo dhan ilaa 40 xarumood oo kula yaal badi goboladda ay Soomaalida ka dagan yahiin dalka Maraykanka

Waxaana jimciyadaan la aasaasay sandkii 2001, waxayna uga wada hadlayeen sanadkaan qodobbo muhiima oo ugu hareeyaan arimahha dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaan horemarinta adeegyada dacwada, sidii loo horemarin lahaa mashaariicda masaajida loona wacyigalin lahaa dadka Muslimiinta ah ee ku nool W/ America, waxaa siminaar socday saacado lagu qaatay habka saxda ah ee loo heli karo guryo aan ribo lahayn,iyadoo qabiir arimahaa aqoon sare u leh uu shirka kala soo qaybgalay

- Advertisement -

Sheekh Yuusuf Cabdi Cabdulle  oo ah agaasimaha fulinta Jimciyadda Islaamica ee (IANA) ayaa AX u sheegayin shirkaan looga dooday arrimo badan oo ku saabsan maslaxada bulshadda, qoysaska iyo dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Maraykanka”.

Sidoo kale waxaa sannadkan shirka ka soo qaygalay marti sharaf kale oo ay kamid yihiin Hayadaha Samafalka HARO,,SAMARAADO & DILAALU SADAQA oo iyagu diyaar ah inay qayb ka noqdaan samafaladda Abaaraha Indhoolayaasha , Agoonta ku nool geeska Afrika qaasatan Soomaaliya oo aad looga hadlay shirkaan,

Sh Maxamed Mursal gudoomiyaha gudiga sare ee jimciyadda ayaa isaguna AX  u sheegay in sanadkaan ay qorshaysteen inay kaalin wax ku ool ah ka qabtaan arimahha dhalinyarada sidii wadada saxda ah loogu soo ridi lahaa ,kuwa wadooyinka ku dhibaataysan na waxii la awoodu lala garab istaagi lahaa, waxaana dajisanay qorsho sanad tijaabo ah oo arimha dhalinta xoog lugu saarayo ayuu yiri Sh Mursal.

Gabagabadii shirkaan shalay ayaa laga aqriyey bayaan ay si wadajira culumadu uga hadleen xaaladaha Maraykanaka & Soomaaliya,

Siyad Said Salah

Axadle

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy