Hogaamiye Xasan Sheikh: Waxaan aaminsanahay in Roobow uu ku qancin karo ugu yaraan qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay soo goostaan

Axad, December, 4, 2022 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay wasiirka diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, in uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan ururka Alshabaab.”Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin,” ayuu madaxweyne Xasan Sheikh ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska caalamiga ah The Guardian.

Hogaamiye Xasan Sheikh waxa uu sheegay in Roobow uu habab isgaarsiineed la sameeyay xubnaha dhexdhexaadka ah ee Al-Shabaab, uuna ku dhiirrigelinayo in ay dhinac u kala wareegaan. Waxa uu intaa ku daray in tani ay qeyb ka tahay habka dawladiisa ay kaga hortagayso Alshabaab.

- Advertisement -

Mukhtaar Roobow ayaa ku adkeysanaya in muddo dheer uu khilaaf dhanka fikirka ah kala dhaxeeyay madaxda Alshabaab, islamarkaana uusan raali ka aheyn arxan darrada ay wadaan.

“Waxaan ku khilaafay dhaqankooda iyo akhlaaqdooda, “Waxaanu ahay bini’aadam, ma nihin bahallo,” ayuu yiri Roobow oo isagana wareysi siiyay wargeyska The Guardian.

Mar uu ka hadlayay sababta uu u go’aansaday in uu ka mid noqdo golaha wasiirada ee Soomaaliya, waxa uu tusaale u soo qaatay dhibaatada ay Al-Shabaab oo ku dhawaad 15 sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy