Hogaamiye Xasan Sheikh: Dowladdu waxay soo bandhigaysaa malaayiin dollar oo laga xayiray Khawaarijta

Axad, January, 29, 2023 (AX) – Hogaamiyaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud ayaa sheegay in lasoo bandhigidoono malaayiin dollar oo Alshabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay.

Hogaamiye Xasan Sheikh ayaa sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Alshabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah.

- Advertisement -

“Dowladdu mar dhow way soo bandhigi doontaa xisaabaad badan oo Shabaab Bangiyada loogu arurin jiray kuwaas oo la xiray. Taleefoono badan oo lacagaha la isugu xawili jirayna waala xiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuuud.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheikh oo lagasii  daayay warbaahinta dowladda ayaa qeyb ka ahaa hadalo uu ka jeediyay banaanbax Shabaab ka dhan ah oo ka dhacay Muqdisho, ayaa lagusoo aadiyay maalin kadib hanjabaad Alshabaab ay u jeediyeen bangiyada dalka kuyaala, kuwaas oo Alshabaab ay ku eedeeyeen inay ogolaadeen sharci dowladdu soo rogtay oo lagu xayirayo lacagaha sharci darrada ah.

Alshabaab oo ay u muuqatay inay saameeysay xayiraada dowladdu ku sameysay dhaqaalaha u yaala bangiyada ayaa ku eedeeyay bangiyada in aysan ilaalin karin lacagaha ammaanada ku ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept