Hogaamiye Xasan Sheekh “Fulay xantiisa ma mooga qaraxyada magaalada Muqdisho ka dhaca Baabuurta ciidamada ayaa lagu soo galiyaa”

Sabti, December, 24, 2022 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay qaraxyada ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho iyo sida ay kusoo galshaan Al-shabaab gawaarida qaraxyada ah ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan Al-shabaab.Hogaamiye Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in gawaarida qaraxyada ka buuxaan ee Al-shabaab ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iney baraha Koontaroolada uga soo gudbiyaan saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

“Fulay xantiisa ma mooga qaraxyada magaalada Muqdisho ka dhaca Baabuurta ciidamada ayaa lagu soo galiyaa, Saraakiil ayaa koontaroolada ka soo fasaxa oo Askarta amar siiya” ayuu yiri Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Hogaamiyaha Soomaaliya sidoo kale sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan saraakiil ka tirsan ciidanka oo gawaari ay amreen in laga soo daayo koontaroolada ciidanka ku qarxay gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo akoonadooda Bangiyada lagu arkay lacago farabadan oo loo maleynaayo iney ku qaateen gawaarida qaraxyada ah ay kasoo gudbiyeen koontaroolada ciidanka.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya, iyadoo weerarkii ugu danbeeyay ay Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho lagu qaaday hotelka Villa Rays oo ku yaala agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana weerarkaas loo xiray saraakiil ciidan oo lagu tuhmay iney qeyb ka ahayeen weerarkaas, kuwaasi oo ay ku socdaan baaritaano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy