Hogaamiye Mustafe Cagjar ” Xoriyatul qawlku ma aha waxaad rabtid sheeg iyo waxaad rabtid samee”

Arbaco, November, 30, 2022 (AX) – Hogaamiyaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo Warbaahinta gaarka loo leeyahay waraysi siiyay ayaa ka xog waramay arrimo ay kamid ahaayeen Xorriyadda hadalka iyo Saxaafadda, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday Telefishinka Nabad Tv oo degaanka horey uga jiray balse xukuumaddu wakhti hore albaabada u xidhay.Madaxweynuhu waxa uu sheegay in telefishinka Nabad tv ee la xidhay oo kaliya aan la odhan karin xoriyaddii hadalka iyo saxaafaddii ayaa la cabudhiyay, iyadoo degaanka ay ka howlgalaan Warbaahino badan oo madax banaan, balse Warbaahintii ku xad gudubta shuruucda Saxaafadda ee degaanka la xidhayo waa siduu hadalka u dhigay Hogaamiye Mustafe Cagjar.

“Telefishinka Nabad tv waxaa lagu xidhay wakhtigaa inay damceen inay iska horkeenaan qawmiyadaha ku nool degaanka Soomaalida oo ay diyaariyeen barnaamijyo iska horkeenaya dadka, taana ma aha wax la oggol yahay, Warbaahino kale hadday sidaa sameeyaana waala xiri, Xorriyatul qawlku ma aha waxaad rabto sheeg iyo waxaad rabto samee, qawaaniin ayaa jirta oo Warbaahintii ama Wariyihii dhaafa qawaaniintaa la qabanayo”. ayuu yiri Hogaamiye Mustafe Cagjar.

- Advertisement -

Hogaamiyaha ayaa sidoo kale xusay in degaanka Soomaalida ka howlgalaan ilaa 12 Telefishin iyo Warbaahino kale oo madax banaan iyo waliba dad badan oo Baraha bulshada aad wax ugu qora dowladdana ku dhaliila, sidaas oy tahayna aysan jirina cid la hadasha oo qabsata Warbaahinnadaa kala duwan, waa siduu hadalka u dhigay Hogaamiye Mustafe Cagjar.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa wixii isbaddalkii waxaa kusoo badanayay Warbaahinta qaybaheeda kala duwan ee madaxa banaan, kuwaas oo ka howlgala guud ahaan dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo dowladduna ay shuruuc u samaysay Saxaafadda, taas oo sida Madaxweynuhu sheegay Warbaahintii ama Wariyihii ku xad gudba la qabanayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy