Hogaamiye Deni: Daacish iyo Shabaab inta la shaqeysata waala yaqaano waana raadsanaynaa

Sabti, January, 28, 2023 (AX) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu soo socdo qorshe amni oo lagu beegsanayo dadka Shabaab iyo Daacish la shaqeeya.Hogaamiye Deni ayaa sheegay inay og yihiin dadka la shaqeysta Shabaab iyo Daaciash. Wuxuuna sheegay inta aan loo gudbin dagaalka buuraha in wax laga qabanayo kuwa magaalooyinka ku sugan.

“Xaqiiqdan idiin sheegayaa, qorshaha amni ee soo socda inta aanan buuraha aadin, kuwa gudaha joogaan raadsanaynaa,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

- Advertisement -

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmay, xilli degaano katirsan gobolka Bari loo gaarsiin waayay diiwaan galinta doorashada, cabsi laga muujiyay halista amni ee ka imaan karta Shabaab iyo Daacish, oo ku sugan buuraha gobolka Bari.

Labo maalin ka horna Maraykanka ayaa duqayn uu ka fuliyay gobolka Bari ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ururka Daacish.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept