Hogaamiyaha Soomaaliya oo gaaray Uganda si uu tababar ugusoo xiro ciidamo

Sabti, Maarso, 18, 2023 (AX) – Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kambaala ee dalka Uganda.Safarka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku saabsan tababar uu usoo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar ku qaadanayay dalka Uganda.

Hogaamiye Xasan Sheikh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Uganda doorka ay ka qaadanayso dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed ee wajahaya dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

- Advertisement -

Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo uu sheegay inay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo Alshabaab.

Hogaamiyaha dalka Uganda ayaa horey u ballanqaaday inuu dalkiisa ka caawinayo Soomaaliya tababarka ciidamada qalabka sida.

Hogaamiye Museveni ayaa  aaminsan in xalka amni ee Soomaaliya uu ku jiro dib u dhiska ciidanka qaranka Soomaaliya si ay masuuliyadda ugala wareegaan ciidamada midowga Afrika ee ATMIS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept