Hogaamiyaha Koonfur Galbeed oo cafis u fidiyay maxaabiistii loo xiray shaqaaqadii Baydhabo ka dhacday
Axad, January, 22, 2023 (AX) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis u fidiyey askartii dhowaan ka qeyb qaadatay shaqaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo.Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed, tallaabdan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay hannaanka dib u heshiisiinta ka socota Koonfur Galbeed.
Hogaamiye Lafta Gareen ayaa faray xeer ilaalinta iyo hay’adda nabad sugida inay xabsiyada kasii daayaan maxaabiista u xiran shaqaaqadii ka dhacay magaalada Baydhabo.
- Advertisement -
Maxaabiista uu madaxweynaha koonfur Galbeed xafiska u fidiyay oo gaaraya 20 qof, ayaa 19 kamid ah waxay yihiin askar iyo saraakiil ka tirsan qeybaha ciidamada dowladda.