Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi isku shaandhayn ku sameeyay xukuumadiisa
Arbaco, January, 4, 2023 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi ayaa isku badal, xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay, qaar kamid ah wasiirada xukuumadiisa.
Hogaamiyaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guryaynta Gobaladda Waqooyi Cabdillaahi Abokor Cismaan, isaga oo xilka wasiirnimo u magacabaay wasiirkii wasaarada shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane).
- Advertisement -
Hogaamiyaha ayaa Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada Gobaladda Waqooyi ee uu Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) ka badalay, u magacaabay maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor).
Hoos ka akhriso digreetada madaxweynaha oo faah faahsan: