Xildhibaan Aadan Axmed Xeefoow oo ka mid ahaa xildhibaannada cusub Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta laga reebay munaasabadii dheerta Baarlamaanka cusub oo ka dhacday magaalada Jowhar.
Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Dowladda Goboleedka Hirshabeelle waxa ka socda “adi lee dubo adi lee daangayso” sida ay Axadle u sheegeen xubnaha xildoonka ah ee ku sugan magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.
- Advertisement -
Sida ay Axadle u sheegeen Ilo-xilkas ah oo ku sugan magaaladda Jowhar Hogaamiye ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo kaashana Taliska hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ayaa xildhibaankii ay isku aragti noqowaayaan ka saaraya Baarlamaanka cusub ee Maamulkaas.
Xildhibaan Aadan Axmed Xeefoow oo ka mid ahaa xildhibaannada cusub Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta laga reebay munaasabadii dheerta Baarlamaanka cusub oo ka dhacday magaalada Jowhar.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Aadan Xeefoow loo diiday in uu gudaha u galo Hoolka ay ka dhaceysay munaasabada dheerta, waxaana la sheegay in kursigiisa loo dhaariyay shaqsi kale oo magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Luqmaan oo ay isku jifo yihiin.
Xildhibaan Aadan Axmed Xeefoow oo mar soo noqday quqa magaaladda Baladweyne ayaa lagu badalay Luqmaan oo aan sida xogta ku helnay loo wado gudoomiyaha Baarlamaanka 2 aad ee Hirshabeelle.
Lama oga sababta keentay isbadalka degdeg ah iyadoo xildhibaan Xeefoow uu ka mid ahaa xildhibaannadii uu soo gudbiyay Ugaaska beesha Gaaljecel Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Maxamed oo ka mid ahaa duubabkii dhaqanka ee u taggay Jowhar in ay wax ka soo xulaan xildhibaannada.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka imanaya cabasho la xiriirta musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin lagu sameeyay soo xulay Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle, iyadoo laga taggay shaqsiyaadkii ay duubabka dhaqanka beelaha qaarkood u soo xusheen oo lagu badalay xubno kale.
Xildhibaan diiday in magiciisa la adeegsado ayaa Axadle u sheegay in xildhibaanada aan ku aragti ahay Musharax madaxweyne Cali Guudlaawe laga saarayo baarlamaanka 2 aad ee Hirshabeelle sababta ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay damacsantahay in ay soo xulista xubnaha aqalka sare ee Hirshabeelle ku matala Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayna u soo doortaan xubno taageersan xukumadda Nabad iyo Nalol.