Burco:Haween baabuur ku jiiray wadada u dhaxaysa Sheekh iyo Burco

Talaado, January, 3, 2023 (AX) – 2 dumara ayaa geeriyooday kadib markii uu baabuur ku jiidhay deegaanka Galloolay, oo dhaca wadada u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ee Gobaladda Waqooyi.

Dhinaca kale, dirawalkii  baabuurka haweenka jidhay waday, ayaa dhaawacyo soo gaadheen, kadib markii uu rogmaday baabuurkii baabuurkiisu, markii uu dumarka jiidhay.

- Advertisement -

Maydka dumarka dhintay iyo dhaawaca dirawalka waday baabuurka haweenka jiidhay, ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Sheekh  halkaasi oo dhaawaca dirawalka lagula tacaalayo.

Shilalka baabuurta ayaa sannadkasta galaafta nolosha boqollaal qof oo reer Gobaladda Waqooyi ah, sannadkii lasoo dhaafay oo kali ah 5,829 shil ayaa ka dhacay Gobaladda Waqooyi, waxaana ku nafwaayay 148 qof, halka 3,944 oo qofna ay ku dhaawacmeen sida uu booliisku sheegay.

Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa marar badan isku dayday in ay dhinto xawaaraha sare ee ay baabuurtu ku socdaan si shilalka loo yareeyo, lakiin isku daygaas ayaan wali guulaysan.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy