Skip to content
Saturday, October 10, 2026 27 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:33
Muqdisho 25°C
Breaking: Iranian Guards Struck Tanker Transiting Strait of Hormuz via “Illegal Route”
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Guddoomiye Mursal & Madaxweyne Madoobe maxay kawada hadleen?

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Guddoomiye-Mursal-Madaxweyne-Madoobe-maxay-kawada-hadleen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo la kulmay Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah.

Waxyaabaha miiska lasoo dhigay waxaa kamid ah: Doorashada Dalka, codsiinta Heshiiska Madaxda DFS & Dowlad Goboleedyada, garab istaagga Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiin katirsan labada dhinac ayaa sheegay in si gaar ah kulanka Axmed Madoobe iyo Maxamed Mursal uu qayb ka ahaa fadhiyada siyaasadeed ee Madaxda Goboleedyada Muqdisho ka sameynayaan Caasimadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu qayb ka ahaa Xildhibaanno & Senataro kasoo jeeda Dowlad Goboleedka KGS oo uu la kulmay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

Afhayeenka Golaha Shacabka BFS ayaa dhankiisa ku biiray kulamada siyaasadeed ee ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka uu yahay is muujinta Shaqsiyaadka qaar ee joogtay kulamada madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes