Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo wax ka badal ku sameeyay Guddiga Farsamo ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed

Arbaco, January, 4, 2023 (AX) – Guddoomiyaha gobolka Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa wax ka badal ku sameeyay xubno ka tirsan guddiga Farsamada shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee uu dhawaan uu soo magacaabay,

isagoona magaacabay xubno cusub.Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa badalay laba ka mid ah xubnahii hore ee guddiga oo kala ah Ibraahin Cabduqaadir Maxamed iyo Maxamed Ibraahin Barre, waxaana uu kusoo daray guddiga laba xubnood oo cusub, kuwaas oo kala ah Maxamed Sheekh Xuseen Maxamed iyo Farxiyo Maxamed Yuusuf.

- Advertisement -

Wax ka badalista xubnahaan ayaa kusoo beegmeysa, kadib markii Musharaxiinta Mucaaradka Koonfur Galbeed ay cabasho ka keeneen guddigan farsamada oo uu bilawgii bishaan uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Dhinaca kale warar hoose oo ay heshay Shabakada AX ayaa sheegaya in shirka dib u heshiisiinta Baydhabo ee lagu waday inuu furmo maalinta berita ah oo ku beegan 5-ta bishaan Janaayo sida uu horay u shaaciyay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dib loo dhigay mudo sedax cisho ah.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka:-

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept