Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo magacaabay guddiga farsamada shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Isniin, January, 2, 2023 (AX) – Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddiga farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loogu talo galay inay isku dubaridaan farsamo ahaan shirka dib u heshiisiinta Koonfur galbeed oo la qabanayo shanta bishan January.

- Advertisement -

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe, ayaa rajo weyn ka qaba in shirka dib u heshiisiinta uu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Koonfur Galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy