Gobaladda Waqooyi oo ka jawaabtay diidmada Soomaaliya ka muujisay shidaalka laga qodayo Gobaladda Waqooyi

Khamiis, December, 29, 2022 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi, oo ka jawaabaysa diidmo ay xukuumada Soomaaliya ka muujisay shidaal shirkada Genel Energy ka qodayso Gobaladda Waqooyi, ayaa sheegtay in ay iyadu masuul ka tahay maamulka khayraad keeda. War-saxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Gobaladda Waqooyi, ayaa lagu xusay in shacabka Gobaladda Waqooyi ay xukuumadooda u igmadeen ilaalinta iyo maamulka khayraadka.

“Dadka reer Gobaladda Waqooyi nidaam dimuquraadi ah ayay dowladooda ugu dhiibteen masuuliyada horumarinta iyo ilaalinta khayraad kooda dabiiciga ah. Waa masuuliyada dowlada Jamhuuriyada Gobaladda Waqooyi in ay ilaaliso khayraadka dabiiciga ah ee waddanka”.

- Advertisement -

Waxa war-saxaafadeeda lagu sheegay in u jeedadada shidaalka loo qodayaa ay tahay in kor loo qaado xaalada nololeed ee shacabka Gobaladda Waqooyi, dhaqaalahana la kobciyo, isla markaana ay xukuumadu sharci u haysato in ay la heshiiso maalgashadayaal shisheeye.

“Ujeedada yadu waxa weeyi in aanu kor u qaadno xaaladaha nololeed ee muwaadiniintayada, iyo koboca dhaqaale ee qarankayaga, dowladu sharci ayay u haysataa, in ay la xidhato maalgashadayaal shisheeye si loo baadho oo looga faa’iidaysto macdanta”.

War-saxaafadeeda waxa lagu sheegay in aanay jirin cid aan xukuumada Gobaladda Waqooyi ahayn, oo awood u leh in ay baadho ama cid kale sharciyad u siiso baadhista iyo soo saarista macdanta iyo shidaalka.

Waxa kale, oo lagu sheegay in ay Gobaladda Waqooyi sii wadayso wada-shaqaynta  ay la leedahay shirkadaha shidaalka sida Genel Energy, oo xukuumada Soomaaliya ka dacwootay, war-saxaafadeeda ayaa xustay in wada-shaqaynta shirkadahan ayna Gobaladda Waqooyi cidna ugu habranayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy