Gobaladda Waqooyi oo digniin u dirtay warbaahinta ka warramaysa arrimaha Laascaanood

Isniin, January, 30, 2023 (AX) –  Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa warbaahinta uga digtay in ay faafiyaan warar, warbixino iyo ra’yi ururin keeni kara in xaalada Laascaanood kasii darto.Warsaxafadeed kasoo baxday Wasaarada Warfaafinta Gobaladda Waqooyi ayaa warbaahinta loogaga digay in ay faafiso warar ama warbixino keeni kara in xaalada magaalada Laascaanood ay kasii darto.

“Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyada Gobaladda Waqooyi, waxay uga digaysa dhamaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, iyo wariyayaasha ka howlgala gudaha Gobaladda Waqooyi in ay baahiyaan warar, warbixino iyo ra’yi ururin dab kusii hurin karta xaalada ka taagan Laascaanood”.

- Advertisement -

Warsaxaafadeeda ayaa lagu yiri “Waxa waajib ku ah cidkasta oo ku dhaqan gayiga Gobaladda Waqooyi in ay u hogaansamaan xeerarka dalka oo uu ugu horeeyo dastuurka JSL, kaasi oo waajibinaya adkaynta qaranimada iyo jiritaanka Gobaladda Waqooyi”.

Hoos ka dheeho warsaxaafadeeda oo faah faahsan:-

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept