Garaad Cabdisalaan oo ka warbixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ee Laascaanood

Axad, Maarso, 19, 2023 (AX) – Garaad Cabdisalaan Xasan oo kamid ah garaadada ku sugan Laascaanood, ayaa sheegay in ay dagaalkii shalay ay 30 qof dhankooda kaga dhinteen, isla markaana 60 kale ay kaga dhaawacmeen.Garaadka oo waraysi siiyay Brit TV, ayaa sheegay in la tira koobay tirada dhankooda kaga dhimatay dagaalkii shalay foolka foolka ahaa ee ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo xoogaga ku dhexmaray dagaalka.

“Dhimashadu waa 30, dhaawacuna waa ilaa 60 inkasta oo uu kala culusyahay, in badan waa la qaaday, in badan oo hadeer iyo berri la qaadayaana way jiraan, Garoowe iyo Xamar iyo meeshii wax lagaga qaban karaba waa la gaynayaa” ayuu yiri garaadku.

- Advertisement -

Dagaalka oo bilaabmay galinkii danbe ee habeenkii Sabtida, ayaa socda muddo 8 saacadood ka badan, iyada oo dhinacyadu ay sheegeen in ay maxaabiis ,baabuur iyo hub kala qabsadeen, garaadada ayaa Gobaladda Waqooyi ku eedeeyay in ay laysay maxabiistii ay qabatay.

Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in Puntland ay dagaalka hogaaminaysay iyadoo garaadadu ay arrinta beeniyeen, ayna sheegeen in anay jirin gacan uu maamulka Puntland dagaalka ku leeyahay.

Dhexdhexaadin ay dowlada Itoobiya dhinacyada ka dhex waday, ayaan ilaa iyo hada guul laga gaadhin, isla markaana garaadada ayaa ku doodaya in ayna wadahadal furi karin, inta ciidamada Gobaladda Waqooyi joogaan dhulka SSC.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept