Gabadh yar oo uu waraabe ku cunay magaalada Hargaysa

Khamiis, December, 15, 2022 (AX) – Gabadh yar oo 5 jir ah ayaa xalay uu waraabe dhaawacyo halis ah ugu gaystay degmada Macalin Haaruun ee magaalada Hargaysa.Cumar Diiriye Xirsi oo ah aabaha dhalay gabadha yar, oo Bulsho TV waraysi gaar ah siiyay, ayaa sheegay in uu waraabuhu gabadha yar weeraray xili ay guriga kasoo baxday xalay maqribkii.

“Xiligii Salaada Maqrib lagu jiray ayay ciyaalkii qaar kamid ahi u baxeen dibada, iyaduna way soo baxday oo kadinka ayay isa soo taagtay, bahalkuna wuxuu kaga soo booday xidh yar oo guriga ka danbeeya” ayuu yiri Diiriye.

- Advertisement -

Farax Maxamed Maxamuud oo ah gabadha yar hooyadeed ayaa iyaduna Bulsho u sheegtay in ayadu ay guriga ka maqnayd markii uu weerarku dhacay lakiin ragii xaafadu ay ka rideen waraabaha markii ay maqleen qaylada dumarka.

“Anuu waan ka yar maqnaa lakiin inan aan guriga kaga tagay ayaa joogtay, wuu dumar saday oo qayladii kumuu dhigin, raguna masaajidada ayay ku jireen wakhtigaa, lakiin markii danbe qayladii ragii masaajidka ayaa soo yaacay oo niman ayaa ka riday” ayay tidhi Farax.

Waxay sheegtay in inanta yar uu waraabuhu madaxa qabtay oo ay dhaawacyo badan madaxa ka qabto, dhinaca kale dhakhaatirka Isbitaalka Wayn ee Hargaysa, ayaa sheegay in ay gabadha yari dhaawacyo halisa qabto lakiin ay la tacaalayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy