Shilin Soomaali: Xukuumadda oo shaacisay caqabadaha ka hor taagan

Talaado, January, 3, 2023 (AX) Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur, ayaa shaaciyey caqabadaha hortaagan in Soomaaliya ay sameysato lacag Shilin Soomaali ah oo dalku leeyahay.

- Advertisement -

Wasiirka maaliyadda oo wareysi siinayay VOA, ayaa sheegay inay lacag sameyntu hortaagan tahay saddex caqabadood oo u baahan in xal laga gaaro, si uu dalku u helo lacag uu isagu leeyahay.

Wasiirka wuxuu sheegay caqabada koowaad inay tahay, helitaanka dhaqaalihii looga shaqeyn lahaa daabicida lacag cusub. Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay $70 millyan oo dollar, inkastoo uu xusay in $40 milyan oo lacagtaas kamid ah ay dowladda ka caawinayso hay’adda lacagta ee IMF.

Caqabada labaad wuxuu sheegay wasiirku inay tahay, in farsamo ahaan dowladdu aysan u diyaarsanayn agabkii loo baahnaa iyo aqoontii lagu maamuli lahaa lacagta cusub.

Caqabada saddexaad wuxuu sheegay inay tahay, sidii lacagtaas dalkoo dhan loogu faafin lahaa, taasoo uu sheegay inay u baahan tahay in heshiis siyaasadeed ay ka galaan dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaa kaloo loo baaha doonaa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis ka galaan sidii lacagtaas ay uga wada shaqeyn laheyd dalka oo dhan, wadahadalkaas heshiiskii lagu maamuli lahaa lacagtaas waa socdaa hadda,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Inkastoo uu wasiirku caqabadahaas sheegay, haddana wuxuu tilmaamay marxaladda hadda la joogo inay tahay middii ugu wanaagsanayd ee horey loogu dhaqaajin lahaa lacag samaynta.

Marka loo eego dhaqaalihii lagu samayn lahaa lacagta cusub oo qeybta ugu badan la hayo iyo aqoontii bangiga Soomaaliya oo kor usoo kacday.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxaa weli gobolada dalka qeybtood laga isicmaalaa lacagtii dowladdii dhexe ee dalka, taasoo haatan gabaabsi kusii dhow, islamarkaana meelo badan oo dalka katirsan lagama isticmaalo wax lacag ah.

Waxaa lagu tiirsan yahay adeegyada lacagaha danabaysan ee shirkadaha isgaarsiintu bixiyaan.

Lacagta shilin Soomaaliga oo hadda laga isticmaalo koonfurta Soomaaliya qeybo ka mid ah ayaa noqotay mid aad u liidata oo wax dayactir ah aan helin, sanadihii badnaa ee dalku uu burburka ku soo jiray.

Inta badan dalka hadda lagama isticmaalo shilin Soomaali, gobollada ay lacagtaasi ka joogsatay waxaa ka mid ah Galmudug, Somaliland, Puntland, qeybo ka mid ah HirShabeelle iyo qeybo ka mid ah gobollada Jubbaland, gaar ahaan degmooyinka iyo deegaanada xiga xuduuda Kenya, sida Beledxaawo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy