Diwaangalinta codbixiyayaasha oo Gobaladda Waqooyi ka bilaabantay

Arbaco, December, 28, 2022 (AX) – Diwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka Gobaladda Waqooyi, ayaa saaka si rasmi ah uga bilaabantay guud ahaan Gobaladda Waqooyi.Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka  Gobaladda Waqooyi  Muuse Xasan Yuusuf, ayaa ku dhawaaqay bilaabashada diwaangalinta codbixiyayaasha, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay is diwaangaliyaan.

“Waxa farxad wayn noo ah in dib u furistii diwaangalintu ay bilaabantay oo goobihii aanu ugu talogalnayna ay ka bilaabantay, waxaanu muwaadiniinta Gobaladda Waqooyi ugu baaqaynaa oo aanu faraynaa in ay isdiwaangaliyaan” ayuu yiri guddoomiye Xasan.

- Advertisement -

Saddexda xisbi siyaasadeed ee horay u jiray iyo ururada cusub, ayaa bulshada aad ugu dhiirigalinaya, in ay qaataan kaadhadhka codbixinta, iyadoo musharax Cirro iyo saraakiil kale ay safaro ku marayaan gobolada iyaga oo dadka ku dhiirigalinaya in ay is diwaangaliyaan.

Mucaaradka iyo muxaafadka Gobaladda Waqooyi ayaa inkasta oo ay u wada sacabo tumeen bilaabashada diwaangalinta codbixiyayaasha aan hadana wali ku heshiin ta soo horaynaysa doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy