Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 26°C
Breaking: Somali Region President Criticizes Claims of Exclusive Ownership Over Past Struggles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Degmada Warsheekh oo Lagu weeraray Haween & Carruur! –

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Tuulada Rayla-weyne Degmada Warsheekh Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka dhacay weerar ay geysatay maleeshiyo hubeysan, waxaana ku dhintay Haweeney Umul ah & labo carruur ah, halka ay dhaawacmeen labo ruux oo kale.

Dhammaan dadkaan waa isku qoys sida Axadle uu u sheegay mid kamid ah ehelka Reerka lagu weeraray hoygooda, waxaana uu sheegay in ay baxsatay kooxdii falkaas geysatay, isla markaana aysan jirin cid ka socota maamulka oo u tagtay.

- Advertisement -

“Dhacdo aad u foolxun ayaa ka dhacday Deegaanka Rayla-weyne, waxaa ku dhintay labo carruur & Hooyo, halka ay dhaawacmeen Hooyo & wiil yar oo dhaawacooda loo qaaday Magaalada Muqdisho, dhammaan dadkaan waa isku qoys” ayuu yiri qofkaan la hadlay Axadle oo magaciisa ka gaabsaday sabab ammi awgeed.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay falalka aanooyinka ah ee ka dhacay Degmada Warsheekh ay ka dhasheen is qab-qabsi ka taagan dhul beereed la isku heysto, inkasta oo aan xal laga gaarin ilaa haatan.

Mas’uuliyiinta Degmada Warsheekh ayaa la sheegay in ay ka maqan yihiin Degmadaas, waxaana ay ku mashquuleen doorashada ka socda Magaalada Jowhar oo ah Xarunta DG Hir-Shabeelle sida ay ku doodeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ilaa haatan kama aysan hadlin Maamulka Warsheekh, Gobolka Shabeelaha Dhexe & mas’uuliyiinta sare ee DG Hir-Shabeelle oo haatan ku mashquulsan la socodka doorashada maalin kadib lagu wado in ay ka dhacdo Jowhar.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes