Debretsion Gebremichael ninka magaciisu ku xardhan yahay

Wuxu ahaa dagaal yahan hore oo jabhad ah oo ka jara ciidamada Itoobiya isgaarsiinta, Debretsion Gebremichael haatanna wuxuu horseed ka yahay gaaal lagaga soo horjeedo xukuumadda Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed oo ay ku diririyaan gacan ku haynta gobolka woqooyi ee Tigray oo lagu tilmaamay “ubucda” qarankaas.

Debrestion waa hogaamiyaha xisbiga Tigray People’s Libration Front (TPLF) ee ka taliya gobolka Tigray ee ay sida lama filaanka ah isku seegeen Abiy.

Isaga oo markaas uun guursaday oo ilmo yar dhalay, ayaa Debretsion ka tagay waxbarashadiisii jaamacadda Addis Ababa 1970-aadkii oo uu ku biiray TPFL si uu uga qayb galo dagaalkii 17 sannadood socday ee ururku kula jiray xukunkii Derg-iga ee hogaamiyihii Maarkisiga ahaa ee Mengistu Haile Mariam.

Wuxuu wasiir ka noqday xukuumadda markii talada laga tuuray Derg-gii ee talada ay qabteen isbahaysi xisbiyo TPLF awoodda ugu badan ku lahayd wixii ka horeeyey intaa Abi hogaanka la wareegin 2018.

Saaxiibkii oo ay aad iskugu dhaw yihiin jaalna ahaayeen oo la yidhaa Alemayehu Gezahegn ayaa sheegay in markii labadooduba ay tababar milatari ku dhamaysteen dhulka buuraleyda ah ee Tigray, uu ogaaday kartida farsamo ee saaxiibkii oo isna kula taliyey taliskii TPLF in Debretsion lagu daro ururka “farsamada”.

Alemayehu waxay la ahayd arin maal gal ah in Debretsion lagu daro ururkaas maadama oo uu ahaa qof maskax badan laakiin afgaaban oo “ciyaalo magaalo ah” kuna kacaamay Shire oo haatan ay guul darro wayni ka soo gaadhay hogaamiyaha Tigray maadaama ay ciidamada federaalku ka gacanta ku dhigeen magaaladaas.

‘Biraha la tuuro ayuu koronto ka dhalin jiray’

Wuxuu ka dhashay qoys Masiixiyiin Orthodox ah, waxaana loo bixiyey Derbretsion oo macnihiisu yahay Buurta Zion, halka magaca aabihiina yahay Gebremichael oo macnihiisu yahay adoonkii weliga la yidhaa Michael.

“Markuu dugsiga hoose ku jiray wuxuu soo urursan jiray baytariyad la daadiyo, raadyowyada iyo qalabka elektarooniga ah ee la tuuro markaasuu hagaajin jiray. Iyada oo aan magaaladooduba lahayn laydh ayuu gurigooda u sameeyay laydh koronto ku shaqeeya” ayuu yiri Alemayehu oo waayadaa hore xusuusani.

Debretsion wuu ka soo dhalaalay “qaybtii farsamada” TPLF ee lagu daray, waxaanu door muhiim ah ka ciyaaray dhismaha awoodda sirdoonka TPLF ee dhegaysiga qalabka isgaadhsiinta ee ciidamadii Itoobiya iyo sidoo kale in la jaro isgaadhsiintooda taarka.

“Arintaasi waxay noo sahashay in aan guulaysano, sababta oo ah dagaalyahannadii xorriyad u dirirka TPLF waxay ka war heli jireen dhaqdhaqaqa ciidanka Itoobiya intaanay hawl gal ba bilaabin, marka taarkooda isgaadhsiinta aanu jarno na may wada xidhiidhi kari jirin marka weerarrada lagu qaado” ayuu yidhi Alemayehu.

Si uu xirfadiisa u sii kobciyo, Debretsion wuxuu Talyaaniga ku tagay baasaboor foorjari ah markuu soo noqday na wuxuu dhisay idaacaddii ugu horaysay ee TPLF yeelato oo la yidhaa Dimtsi Weyane oo macnaheedu yahay Codka Kacaanka.

Debretsion iyo Abiy waxaad moodaysay in ay saaxiibo yihiin bilowgii markii ra’isal wasaaruhu xilka qabtay 2018. Hogaamiyahan Tigray xataa wuxuu abaabulay xaflad farxad iyo raynrayni ka muuqato oo lagu soo dhawaynayo ra’isal wasaaraha oo ka dhacday Mekelle.

“Tigray waa halka taariikhda dalkeena samaysa, waa gobolkii lagu jabiyey shisheeyihii soo duulay [ oo ay ku jiraan Talyaaniga iyo Masaaridu”. Itoobiyadan casriga ahna waa ubucdeeda” ayuu yidhi Abiy 2018.

Debretsion na dhankiisa wuxuu amaanay dadaalka nabadda ee ra’isal wasaaruhu la bilaabay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ee lagu soo af-jarayey xaaladdii “nabad iyo colaadtoona” aan ahayn ee dhex taalay labada dal tan iyo dhamaadkii dagaalkii ay xadka isku laayeen ee 1998-2000.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More