Dagaalka ka socda Laascaanood oo galay Todobaadkii sadaxaad iyo tirada dadka ku geeriyooday oo la shaaciyay
Jimco, February, 24, 2023 (AX) – Waxaa Todobaadkii sadaxaad oo xiriir ah galay dagaalka iyo duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kasoo u dhaxeeya ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo kuwa dadka deegaanka reer Laascaanood.deegaanka ayaa la ogyahay iney ku geeriyoodeen 96 qof, halka dhaawacyada ay gaarayaan 560 qof sida uu warbaahinta sheegay Agaasimaha Isbitaalka magaalada Laascaanood Axmed Maxamed Xasan.
“Waxaan heynaa xogta 96 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 560 qof, daryeel caafimaad ayaan u fidinay si aan uga daweynayo waxyeelada soo gaartay” ayu yiri Agaasimaha Isbitaalka Laascaanood Axmed Maxamed Xasan.
- Advertisement -
Agaasime Axmed Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyada kuwii ugu darnaa loo gudbiyay magaalada garoowe, dabadeedna looga sii qaaday magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo.
Xaalada magaalada laascaanood ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa, waxaana Qaramada Midoobay oo dhowr jeer ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood ay sheegtay in dagaaladaasi ay guryahoodii uga barakaceen in ka badan 185,000 oo qof, iyadoo haweenka iyo caruurta lagu qiyaasay 89 boqolkiiba dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska isku xirka arimaha bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee (OCHA).