Dagaal xooggan oo saakay ka qarxay magaalada Laascaanood

3/18/2023

Today from Axadle:
 

- Advertisement -

Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2023

Dagaal xooggan oo saakay ka qarxay magaalada Laascaanood

Sabti, Maarso, 18, 2023 (AX) –  Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo kuwa SSC ayaa saakay ka billowday dhowr jiho oo magaalada Laascaanood ah.Dagaalkan oo aad u culus ayaa la sheegayaa inay qeyb ka yihiin duqaymo lagu garacaayo magaalada Laaacaanood. Waxaana ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac ah iyo burbur isugu jira.

Dagaalkaan ayaa kusoo beegmay ku dhawaad labo todobaad oo aanay jirin wax dagaal ah oo u dhaxeeya dhinacyada ku dagaalamayay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool.

Waxay kusoo beegmaysaa xilli xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh uu soo dhoweeyay xabbad joojinta ka dhaqan gashay Laascaanood, isagoo ku bogaadiyay labada dhinac.


3/18/2023 1:49 AM EST

Sabti, Maarso, 18, 2023 (AX) – Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in kooxo ay ku tilmaantay huwan, oo ay sheegtay in argagixiso kamid tahay isla markaana ay Puntland hogaaminayso ay weerar muddo la qorshaynayay kusoo qaadeen fadhiisimada millatariga ee aaga Laascaanood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept