Dagaal saaka ka dhacay magaalada Laascaanood

Isniin, February, 6, 2023 (AX) – Kooxo hubaysan ayaa weeraray fadhiisimada ciidamada Gobaladda Waqooyi ee Laascaanood iyo hoteelka golaha wasiiradu ka daganyihiin magaalada, sida xukuumadu sheegtay.

Warsaxaafadeed saaka subixii lagu baahiyay boga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Gobaladda Waqooyi, ayaa lagu sheegay in kooxo hubaysani ay soo weerareen xeryaha ciidamada iyo hoyga golaha wasiirada ee Laascaanood.

- Advertisement -

“Saaka  subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada Ciidamada Qaranka iyo xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada  Gobaladda Waqooyi ee magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen garaadada nabad  diidka ah ee ku sugan magaalada”.

Warsaxaafadeeda ayaa lagu sheegay in  weerarka ay soo qaadeen kooxo ay xukuumadu hore uga digtay oo ay kamid yihiin dad argagixiso ah, waxa kale oo lagu sheegay in 2 askari ay dhanka ciidanka kaga dhaawacmeen.

Wali garaadadu dhankooda kama hadal sida ay wax u dhaceen, shacabka ayaa saaka subixii hore si toosa baraha bulshada uga baahinayay rasaasta dagaalka oo si isdaba jooga u dhacaysay.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept