Ciidanka dowladda oo soo afjaray weerarkii hotel Rays ee magaalada Muqdishu

Isniin, November, 28, 2022 (AX) – Ugu yaraan siddeed qof oo
mid kamid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka dowladda, ayaa ku dhintay qarax
iyo weerar kooxda al Shabab ay ku qaadeen hotel Villa Rays oo ku dhow
madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sidiiq Aadan
Doodishe, ayaa xaqiijiyay in ciidanka dowladda ay soo badbaadiyeen 60 qof oo
shacab ahaa oo kooxda al Shabab ay ku heysteen hotelka.

- Advertisement -

Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ku sugnaa hotelka la
weeraray, maadaama uu ku yaallo nawaaxiga Madaxtooyada, islama markaana
ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Weerar oo socda ku dhowaad 12 saacadood ayaa ku bilowday
qarax, kaddibna waxaa xigay koox hubeysan oo gudaha u galay dhismaha hotelka.
Weerarka oo bilowday xalay 8:00 habeennimo, ayaa la soo afjaray gleinkii dambe
ee maanta oo Isniin.

 Sidiiq Aadan Doodishe,
ayaa shirkiisa jaraa’iid ku sheegay in lix dagaallame oo ka tirsan al Shabab ay
soo qaadeen weerarka, iyadoo la dilay shan ka mid ah, halka midka kalana uu
is-qarxiyay.

Al Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka.

Tan iyo markii la doortay Hogaamiye Xasan Sheekh 15-kii
bishii May, 2022, kooxda al Shabab ayaa weerartay saddex hotel oo ka ah hotel
Villa Rosa oo caawa la weeraray, hotel Xayaat oo la weeraray bishii August, 19,
2022 iyo hotel Tawakal ee Kismaayo oo la galay bishuu October, 23, 2022.

Hassan Istiila, Axadle

 

 

 

 

 


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy