Ciidamada Gobaladda Waqooyi oo ka hadlay wararka sheegaya in ay Tukaraq ka guurayaan

Sabti, February, 18, 2023 (AX) –  Ciidamada Millateriga Gobaladda Waqooyi ee ku sugan deegaanka Tukaraq ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu baahiyay oo sheegayay in ciidamada Gobaladda Waqooyi ka guurayaan Tukaraq.Taliya Qaybta 12aad Sareeye Guuto Faysal Cabdi Bootaan, oo u waramay war fidiyeeno ku booqday magaalada Tukaraq, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidanku guurayo.

“Ayaamahan warbaahinta waxan ka maqlayay Tukaraq ciidankii joogay wuu guuray, Gooja-cadde ayuu tagay, Laascaanood ayuu dul fadhiyaa, waa kutiri ku teen dadka lagu khal khalinayo, kii Laascaanood joogay ayaaba meel uu iskala taago waayay” ayuu yiri Bootaan

- Advertisement -

Waxa kale, oo uu digniin u diray cidkasta oo qorshaynaysa dagaal ka dhan ah ciidanka, kadib markii dhawaan xukuumada Gobaladda Waqooyi sheegtay in maamulka Puntland uu ciidamo soo dhoobay aaga Tukaraq.

“Halkani waa Tukaraq ciidan kusoo biira mooyee ciidan ka guurayna ma jiro, ciidii daan daansi wada ee doonaysa in ay ciidamada Tukaraq taa taabatana ciidamada qaranku diyaar weeyaane hasoo socdaan” ayuu yiri Bootaan.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in qaar kamid ah dadka Tukaraq ay ka qaxeen magaalada kadib markii warar baraha bulshada la mariyay lagu cabsi galiyay, lakiin ay hada badankoodii dib usoo noqdeen, waxaanu dadka deegaanka ugu baaqay in anay waxba ka cabsan.

Waxa wali socda dagaal u dhexeeya ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo ciidamo beeleed taabacsan garaadada Laascaanood ku sugan, dagaalka ayaa galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah, iyadoo ciidanka lagu eedeeyay in ay adeegsadeen hub culus.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept