Ciidamada ammaanka Galmudug oo xiray odayaal heshiis lasoo saxiixday Alshabaab

Axad, December, 25, 2022 (AX) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xabsiga dhigay Odayaal saakay saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada Alshabaab haysato ee Galmudug. Taliyaha Qeybta 21-aad ee ciiddanka xoogga dalka, General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, odayaasha la xiray in loo gudbiyay Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo.

Geb. Xasan Jaamici wuxuu sheegay inaan cidna laga aqbalayn in Alshabaab ay la tacaamusho”

- Advertisement -

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo isna ka hadlay xariga odayaashaan ayaa sheegay inay dambiilayaal yihiin, caddaaladana la horkeeni doono, iyaga iyo wariyaashii Wareystay.

Saacado ka hor ayay ahayd markii odayaashaan oo kasoo laabtay magaalada Xarardheere ay sheegeen inay Shabaab ugu tageen sii dayn dad la haystay.

Magaalada Xarardheere ayay ku saxiiixeen heshiis sheegaya inay ka horyimaadaan howlgallada xoraynta ee dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy