Banaanbax looga soo horjeedo dagaalka iyo duqeymaha ka socda Laascaanood oo ka dhacay dalka Mareykanka
Sabti, February, 25, 2023 (AX) – Banaaanbaxaan ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ahaa mid looga soo horjeeeday dagaalka iyo duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo kuwa dadka deegaanka, kaasoo galay Todobaadkii sadaxaad oo xiriir, islamarkaana sababay dhimashada 96 qof iyo dhaawaca 560 qof.Dibadbaxayaasha oo watay Calanka Soomaaliya iyo boorar kale ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa dalbaday in si deg deg ah oo sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka iyo duqeymaha ka socda Laascaanood.
Cabdirashiid Maxamed Faarax oo ka mid ah dadka banaanbaxa dhigaayay ayaa si adag ugu eedeyay madaxweynaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi inuu xasuuq ka geystay magaalada Laascaanood, islamarkaana uu laayay Caruur, Odayaal yo Haween.
- Advertisement -
“Carruurta, Odoyaasha & Haweenka in la laayo xaaraan weeye, Gobaladda Waqooyi xoog kuma qabsan karto, 500,000 (Shan boqol oo kun) oo qof ayaa qasab looga barakiciyay Laascaanood, carruur, Haween iyo ciroole ayaa bannaanka Daadsan, Muuse Biixi kama yeeleyno mana ka aqbaleyno” Cabdirashiid Maxamed Faarax.
Banaanbaxayaasha ayaa sido kale madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu xoojiyo dadaalada uu ku bixinayo xal u helida dagaalka khasaaraha badan geystay ee wali ka socda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay ku barakaceen in ka badan 185,000 oo qof.