Axad, Nov 20, 2022-Qof shacab ah oo ku geeriyooday god dahabka laga qodo oo kuyaala deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag

Axad, November, 20, 2022 (AX) – Waxaa god dahabka laga qado oo kuyaala deegaanka Milxo oo katirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag laga soo saaray maydka nin dhallinyaro ah oo shalay uu la dumay god uu dahab ka baarayay.Gurmad socday ku dhawaad 24 saacadoood ayaa lagu guulaystay in isagoo mayd ah laga soo saaro godka. Waxaase xusid mudan in shalay lasoo badbaadiyay nin kale oo godka kula dhacay oo dhaawac uu kasoo gaaray.

Marxuumka oo lagu magacaabo Cabdi Yare, ayaa in ku dhow 24saac ku gu’doonsanaa god dahabka laga qado. Waxaana aad u adkaatay in la gaaro halka uu ku dhacay, inkastoo dadaal xooggan oo aan kala joogsi lahayn ay sameeyeen dadka deegaanka.

- Advertisement -

Waa dhacdadii labaad oo wax ka yar labo bil gudaheed ka dhacda deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag, halkaas oo caan ku ah godad dahabka laga qado oo dadku ka shaqeystaan.

Dhowr jeer oo kasii horreysay ayay dadka deegaankaas dhibaatooyin waawayn kasoo gaareen baarista dahabka. Welise xal looma helin.

Dadka deegaankaas oo ah kuwo danyar ah oo xoolo dhaqato u badan, ma haystaan qalab ka caawin kara khatarta ay kala kulmi karaan shaqadan halista badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy