Arbaco, Nov 23, 2022-Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo isku shaandhayn ku sameeyay xukuumadiisa

Arbaco, November, 23, 2022 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cadi, ayaa xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihii guud iyo wasiirkii horumarinta iyo maalgashiga Gobaladda Waqooyi.Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Gobaladda Waqooyi, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi uu xilkii ka qaaday Wasiirka Maalgashiga Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare, iyo Xeer Ilaaliyihii Guud Xasan Axmed Aadan.

Hogaamiyaha ayaa wasiirka wasaarada maalgashiga u magacaabay Aamina Cilmi Fariid Badeed, halka uu xeer ilaaliyaha guudna u magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri.

- Advertisement -

“Waxaan go’aamiyey in Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Gobaladda Waqooyi, Aamina Cilmi Fariid Badeed na laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Gobaladda Waqooyi”.

Wareegtada xilka qaadista iyo magacaabista ah, ayaa waxa ku saxeexnaa Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy