Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan oo ka warbixiyay xabad joojinta iyo wadahadalada
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (AX) – Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan, ayaa sheegay in anay hirgalin xabad joojintii xukuumada Gobaladda Waqooyi ku dhawaqday, iyo in anay wadahadal aqbalayn ilaa ciidamada Gobaladda Waqooyi Oog tagaan.Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Fallaalug, waxa uu sheegay in anay dhanka Gobaladda Waqooyi ka hirgalin xabad joojintu oo ay marar kala duwan magaalada sheeda kasoo duqeeyeen ciidanka Gobaladda Waqooyi.
“Xabad joojin ka hirgashay Sool ma jirto, Laascaanood gudaheeda xabad joojin ka hirgashay ma jirto, maalin walbana waxa socda dagaal, saaka oo u danbaysay hoobiyayaashii lasooriday waa kuwa halkan yaala” ayuu yiri Fallaalug.
- Advertisement -
Waxa uu sheegay in anay galaynin wahadal ku salaysan tabashada dadka deegaanka, ee ay rabaan in ay Gobaladda Waqooyi kala dhamaadaan gobolada uu kasoo jeedo, wuxuuna in la wadahadlo shuruud uga dhigay in ciidamada Gobaladda Waqooyi ka baxaan deegaanadaas.
Waxa uu sheegay in ciidamada Gobaladda Waqooyi ku hareeraysanyihiin magaalada, isla markaana ay gacanta ku hayaan dhamaan wadooyinka soogala, dadkii reer Laascaanood na ay ku dayacanyihiin deegaanadii ay u qaxeen.
Waxa uu beeniyay hadalkii madaxweynaha Gobaladda Waqooyi ee ahaa in uu jiro jawi wadahadal, waxaanu sheegay in anay suuragal ahayn in ay wax wadahadal ah la furaan xukuumada ilaa oo ciidamadu baxaan.
Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi ayaa dhankiisa shalay sheegay in uu jiro jawi wadahadal, isaga oo sheegay in arrinta Sool ay tahay mid Gobaladda Waqooyi gudaheeda ah, loona baahanyahay in sidaas loo wajaho.
Abdilahi Geel-maal, Axadle