Aadan Madoobe iyo Lafta Gareen oo isku raacay waqtiga la qabanayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Sabti, December, 17, 2022 (AX) – Wadatashiyada shirka dib u heshiisiinta ee Koonfur Galbeed ee uu ku baaqay gudoomiyaha golaha shacabka, Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan ka socdey magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo ayaa lasoo gaba-gabeeyey.Hogaamiyaha Koonfur Galbeed iyo guddoomiyha barlamaanka Soomaaliya ayaa waxay isla qaateen, in furitaanka shirka dib u heshisiinta uu noqdo 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

Guddoomiyaha barlamaanka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa ku baaqay in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer, si loo xaqiijiyo kalsoonida wax ku ool u ah dawladnimada, Shabaaabna dalka looga xoreeyo.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa laga sugayaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

12-ka bishan Diseembar wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban xildhibaano Dowladda Federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si ay uga bilaabaan shirka wada-tashiga dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Hoos ka aqriso qodobadii aay isla qaateen gudoomiyaha Golaha Shacabka, Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada : –

1- In  dhamaan  qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

2- In la xoojiyo  xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy