Siyaasiyiiinta mucaraadka Puntland oo beeniyay inay ka hor yimaadeen wada hadalka doorashada

Siyaasiyiiinta mucaraadka Puntland oo beeniyay inay ka hor yimaadeen wada hadalka doorashada

 

- Advertisement -

Sabti, May, 20, 2023 (AX) – Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa sheegay in aysan ka warqabin ama aysan diidin wadahadallo looga hadlayo muranka doorashada Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa jimcihii shalay sheegay in siyaasiyiinta doorashada kasoo horjeeda ay diideen inay kasoo qeyb galaan kulan qado ah oo ay ku casuumeen, si loo wada hadlo.

Madasha mucaaradka ayaa hadalka wasiir Juxa ku tilmaamay inuu yahay fariin been abuur ah iyo nooc wax isdaba marin ah oo la doonayo in lagu khiyaamo madashada siyaasadda Puntland iyo ra’yiga bulshada.

“Madasha Siyaasadda Puntland kama warqabto shirar/wadahadallo horay loo sii qorsheeyay oo looga hadlayo qalalaasaha doorashada Golayaasha degaanka Puntland balse waxaan u aragnaa arrintan inay tahay fariin been abuur ah iyo wax is daba mari.”ayaa lagu yiri qoraalka  madasha.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka ka taagan arrimaha doorashada ayaa u muuqda mid saamayn ku yeelan katra doorashada dowladaha hoose 25-ka bishaan la qanayao. Inkastoo Isimada dhaqanka Puntland iyo kuwa SSC ay wadaan dadaalo looga hortagayo qalalaase dhaca.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept