Sida Ay Noqon Doonto Shaxda Liverpool Kadib Bixitaanka Henderson Iyo Fabinho.

Sida Ay Noqon Doonto Shaxda Liverpool Kadib Bixitaanka Henderson Iyo Fabinho.

Iyada oo xiddigaha Jordan Henderson & Fabinho ku dhawyihiin in ay ka tagaan Liverpool kuna biiraan horyaalka sucuudiga waxa aan eegnay sida ay noqon karto shaxda Liverpool.

Klopp ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu ugu yaraan la soo saxiixan doonto hal xiddig maadama ay doonayso in ay xoojiso khadka dhexe.

- Advertisement -

Xiddiga Romeo Lavia ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Liverpool iyada oo Reds wadahadalo kula jirto kooxda Southampton si ay u helaan saxiixa xidiga khadka dhexe.

Lavia ayaa noqon doona badalka tooska ah ee xiddiga Fabinho isaga oo wax weyn ku soo kordnin doona kooxda Tababare Jurgen Klopp.

Xiddiga reer Belguim ayaa khadka dhexe kala ciyaari kara Mac Allister iyo Szoboszlai kuwaas oo la filayo in ay noqdaan xiddigaha joogtada ugu ciyaara kooxda.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept