Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier Legaue Oo La Soo Saaray.
Waxa la soo afjaray kulamadii 36-aad ee horyaalka premier League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh maalmihii la soo dhaafay.
Man City ayaa 4 dhibcood oo cadaan ah ku qabatay hogaanka horyaalka premier Legaue kadib markii ay ka badiyeen kooxda Everton.
- Advertisement -
Arsenal ayaa dhinaceeda dusha loo saaray guuldaradii 5-aad ee horyaalka premier League iyaga oo guuldaro kala kulmay Brighton.
Liverpool iyo Man United ayaa dhinacooda guulo gaadhay halka ay bar-baro gashay kooxda Newcastle oo ku tartamaysa kaalmaha champions League.
Kadib kulamadii todobaadkan waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka premier League iyada oo ay shaacisay BBC Sport.
Kooxda Brightn ee garaacday Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka ay kooxda Man City ku leedahay 2 xiddig.
Kooxaha Crystal palace, Liverpool, Nottingham Forest, Newcastle iyo Man United ayaa shaxda ku leh min hal xiddig
Related