Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.
3

Kadib Todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League iyada oo ay kooxo badan heleen natiijooyinkii ay doonayeen.

Kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Man United kulan ka dhacay Old Trafford.

Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Tottenham iyaga oo 8 dhibcood ku qabtay hogaanka horyaalka premier League xilli ay tallaabo weyn u qaadeen ku guulaysiga horyaalka.

Dhinaca kale kooxda Chelsea ayaa ka baxday natiiyoonkii xumaa ee ay ku jireen kulamadii ugu dambeeyay waxana ay garaaceen Crystal Palace.

Liverpool ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa ee kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo guuldaro fool xun kala kulmay kooxda Brighton.

Kadib kulamadii todobaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee todobaadka horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig kadib guushii ay ka gaadheen Tottenhma.

Kooxda Aston Villa ayaa dhinaceeda shaxda ku leh 2 xiddig sidoo kale Man United ayaa shaxda ku leh laba xiddig.

Kooxaha Brighton, Nottingham Forest, Southampton iyo Brentford ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.