Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League Oo La Soo Saaray.

#image_title

Waxa la soo afjaray kulamadii lugta hore ee Semi-final-ka Koobka champions League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh.

Kulankii ugu xiisaha badnaa ee tartanka ku hadhay ayaa ku dhamaaday bar-baro kadib markii ay kooxaha Man City iyo Real Madrid bar-baro ku heshiiyeen.

- Advertisement -

Dhinaca kale kooxda Inter Milan ayaa garaacday kooxda ay jaarka yihiin ee Ac Milan kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa Semi-final-ka tartanka.

Kadib kulamadii la ciyaaray UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka tartanka champions League.

Kooxda Inter Milan oo garaacday Ac Milan ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 9 xiddig kadib guushii muhiimka ahayd ee ay gaadheen.

Kooxaha Man City iyo Real Madrid ayaa shaxda ku leh min hal xiddig oo kaliya.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept