Shax Laga Sameeyay Xiddigaha Xorta Ah Suuqa Xagaagan.
Waxa dhamaadka suuqa xagaaga inaga xiga 4 todobaad iyada oo kooxuhu isku diyaarinayaan bilaashada bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Laakiin waxa jira xiddigo badna oo xor ah isla markaas raadinaya koox cusub ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Wargayska Mirror ayaa soo saaray shax laga sameeyay xiddigaha bilaa kooxda ah ama xor ugu biiri kara kooxaha ay doonayaan suuqa xagaagan.
Waxa ugu magac weyn xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Eden Hazard halka uu sidoo kale ka mid yahay xiddig Premier League iyo champions League kula guulaystay Liverpool.
Sidoo kale shaxda waxa ku jira Sergio Ramos oo champions League badan ku guulaystay xirfadiisa ciyaareed
Related