Shakhtar Oo Shaaca Ka Qaaday Shardi Ka Yaabiyay Oo Ay Arsenal Isku Dayday In Ay Ku Darto Heshiiskii Ay Ku Doonaysay Mykhailo Mudryk

Shakhtar Oo Shaaca Ka Qaaday Shardi Ka Yaabiyay Oo Ay Arsenal Isku Dayday In Ay Ku Darto Heshiiskii Ay Ku Doonaysay Mykhailo Mudryk
1

Agaasimaha Kooxda Shakhtar Donetsk Sergei Palkin ayaa shaaca ka qaaday shardi la yaab leh oo ay Arsenal isku dayday in ay ku darto heshiiskii ay ku doonaysay saxiixa xiddiga Mykhailo Mudryk ka hor intii uuna ku biirin chelsea.

Mykhailo Mudryk ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Arsenal tan ilaa xagaagii la soo dhaafay iyada oo uu Arteta doonayay in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Bilowgii suuqa January ayay Arsenal dar-dar galisay baacsiga xiddiga waxana ay ka gudbisay laba dalab oo ay Shakhtar soo diiday.

Agaasimaha Shkhtar ayaa sheegay in ay Arsenal isku dayday in ay heshiiska ay ku doonaysay saxiixa xiddiga Mykhailo Mudryk si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Arsenal ayaa isku dayday in ay heshiska xiddiga ku darto shardi ay lacagta ugu badan ku bixinayso hadii uu xiddiga Mykhailo Mudryk ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Arsenal waxa ay isku dayday in ay heshiiska xiddiga ku darto shardi ay lacagta ugu badan bixinayso hadii uu Mudryk ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or-ka”.