Sergio Reguilon Oo Shaaciyay Xiddiga Ka Caawiyay La Qabsiga Kooxda Man United.
Saxiixa xagaaga ee Manchester United Sergio Reguilon ayaa shaaca ka qaaday sida Casemiro uu uga caawiyay inuu la qabsado kooxdiisa cusub.
Reguilon ayaa si lama filaan ah uga soo dhaqaaqay Tottenham kuna biiray United maalintii ugu dambaysay, isaga oo amaah ugu biiray Old Trafford.
- Advertisement -
Labada daafac bidix Luke Shaw iyo Tyrell Malacia ayaa dhaawacyo ku maqan, sidoo kale daafacyada kale ee Raphael Varane iyo Aaron Wan-Bissaka.
26-sano jirkaan ayaa kulankiisii ugu horeysay u saftay Man United si kasta ha ahaatee waxa uu la kulmay Guuldaro weyn oo 3/1 ah.
Reguilon ayaa sheegay in uu Casemiro ka caawiyay in uu si fiican ula qabsado kooxda Man United.
“Waxa uu ii soo diray Fariin maalintii ugu horaysay markii aan halkan imid, waxana uu ii sheegay in uu i caawin doono hadii aan u baahdo”ayuu yidhi.
“Runtii aad ayaan ugu mahad celinayaa, dad badan oo i caawinaya ayaa halkan jooga Lakaiin Casemiro ayaa si fiican iila shaqeeyay”.
Related