Saraakiil ka goostay Ciidamada Gobaladda Waqooyi oo ku biiray xoogaga SSC
Khamiis, May, 11, 2023 (AX) – Saraakiil hore uga tirsanaa ciidamada Gobaladda Waqooyi ayaa saaka lagu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood kadib markii ay ku biireen xoogaga SSC-Khaatumo.Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ugu mudnaa dadka soo dhaweeyay saraakiisha, ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in saraakiishu gartaan dulmiga lagu hayo dadkooda, sida uu hadalka u dhigay.
“Aad baan ugu faraxsanahay saraakiisha halkan maraysa, ragaan ogahay oo shiraban, oo maanta dulmiga lagu hayo dadkooda, dilka lagu hayo iyo colaada lagu hayo gartay” ayuu yiri Garaad Ismaaciil.
- Advertisement -
Garaadka ayaa sheegay in saraakiishu ay ka yimaadeen deegaanka Sama-kaab, isaga oo sheegay in ay yihiin saraakiil lafdhabar ah, wuxuuna ugu baaqay in saraakiisha kale ee deegaanka ee wali ku jira ciidanka Gobaladda Waqooyi in ay kasoo baxaan.
Waxa uu madaxweynaha Gobaladda Waqooyi ugu baaqay in uu ciidankiisa kala baxo Laascaanood inta anay colaadu faafin ee aanay dhibaatadu sii balaadhan sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay in iyaga iyo Gobaladda Waqooyi kala dhamaadeen.
Dhamaan saraakiisha kale ee dhaqdhaqaaqa SSC iyo masuuliyiinta goobta ku sugnaa ayaa iyaguna soo dhaweeyay saraakiisha goostay oo aan tiradooda la sheegin.
Guddoomiyihii waxbarashada ee Gobaladda Waqooyi u qaabilsanaa gobolka Sool ayaa isagana shalay lagu soo dhaweeyay Laascaanood isaga oo ku biiray xoogaga SSC.