Xasan Sheikh: Soomaaliya waxay diyaar u tahay dhammaan fursadaha diblumaasiyadeed ee lagu xalin karo ismariwaaga Itoobiya

 
Sabti, May, 11, 2024 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay raacdo dhammaan fursadaha diblumaasiyadeed ee lagu xalin karo ismariwaaga kala dhaxeeya Itoobiya.
Hogaamiyaha Soomaaliya wuxuu sheegay haddii taas la waayo  in Soomaaliya ay diyaar u tahay dagaal, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo nabad ku wada noolaanshaha balse aan waxba loo dhimin midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Hogaamiye Xasan Sheikh ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda hooyo.
Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu sheegay dariiqa nabadda in ay u baahan tahay isu dheeli tirnaan dublamaasiyadeed, midnimo qaran, iyo go’aan adag oo ku wajahan qaranimada Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa khudbad uu madaxweynuhu ka jeediyay masjid kuyaala madaxtooyada Soomaaliya salaaddii jimce kadib.
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid, iyadoo Gobaladda Waqooyi ay sheegtay in muddo labo bilood gudaheed ah lagu dhameystirayo heshiiska badda ee ay la gashay dowladda Itoobiya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More