Muumin Cabdi Shire : Xukumadda federaalka waxay dhaqaale ku bixisay in ammaanka Waqooyi Bari la qalqal galiyo

 
Jimco, Juun, 7, 2024 (AX) – Taliyaha ciidanka Booliiska maamulka Waqooyi Bari, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay lacago badan ku bixinayso qalqal galinta ammaanka Waqooyi Bari.
Taliye Muumin ayaa sheegay, in dhawaan shirar ka dhacay magaalada Muqdisho lagu go’aamiyay in lacago lagu bixiyo sidii ammaanka Waqooyi Bari loo qalqalgalin lahaa.
“Waxyaalaha dareenka leh waxaa kamid ah, in ciidamo lacag la siinayo, maleyshiyaad lagu abuuro Waqooyi Bari, ka bacdina ay qalalaase ka geystaan Waqooyi Bari,” ayuu yiri taliye Muumin oo la hadlayay idaacadda maxaliga ah ee Daljir.
Gaashaanle sare Muumin waxa uu sheegay in aysan ahayn wax qarsoon in dowladda federaalku ay dhaqaale ku bixinayso qalqal galinta amniga Waqooyi Bari.
Hadalka taliyaha ciidanka Booliiska Waqooyi Bari ayaa yimid, iyadoo Waqooyi Bari ay bilowday howlgal loogu magac daray xasilinta caasmadda, kaasoo ciidanku ku bartilmaameedsanayaan dadka qoryaha haysta.
Howlgalkan ayay ciidanku ku dileen labo qof oo mid uu shacab yahay, mid kalena askari yahay.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More