Hogaamiye Biixi oo sheegay in heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya uu muhiim u yahay amaanka Badda Cas

 
Isniin,  May, 27, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in heshiiska ay xukuumadiisu saldhiga badda kaga kiraynayso Itoobiya uu horseedi doono in xal loo helo xaalada amaan daro ee kasoo cusboonaatay Badda Cas.
Biixi oo waraysi siiyay wargayska Financial Times ayaa sheegay in heshiisku uu Gobaladda Waqooyi u ogolaanayo in ay gacan ka gaysato ilaalinta amaanka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, oo ay dhawaan khalkhalgaliyeen kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen oo gacan ka helaya waddanka Iraan.
Madaxwynuhu waxa kale oo uu sheegay in asaaska heshiisku uu yahay in Itoobiya ay aqoonsato Gobaladda Waqooyi “Itoobiya waxay helaysa saldhig millateri, waxayna keensandoontaa maraakiib ganacsi, taabadalkeedana waxay na siin doonta aqoonsi, taasi waa aasaaska heshiiska” ayuu yidhi Hogaamiye Biixi.
Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ayaa bilowgii sannadkan qalinka ku duugay isfahan, Itoobiya u ogolaanaya in ay saldhig millateri ka samaysato biyaha Gobaladda Waqooyi, isla markaana ay aqoonsi siiso Gobaladda Waqooyi sida uu Hogaamiye Biixi sheegay.
Inkasta oo Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ay dhawrjeer sheegeen in heshiisku uu gobolka u horseedi doono is dhexgal dhaqaale iyo amaan dowlada Soomaaliya ayaa si wayn uga soo horjeedsatay, sidookale badibada urur dowladeedyada kulaalaya Badda Cas ayaa walaac ka muujiyay isfahamka.
Diidmada Soomaaliya iyo cadaadiska caalamiga ah ka sakaw labada dhinac ayaa sheegay in isfahanku uu dhawaan fuli doono, oo loo badali doono heshiis rasmi ah, iyada oo Itoobiya ay wakiilkeedii Hargaysa ka dhigtay safiir buuxa.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More